Fariin ku socota Madaxweyne Dani.WQ.Mubaarak Ashkir

Dariiqa Suuban ee looga Baahan yahay Hoggaamiye kastaa inuu u maro Magacaabista Masuuliyiinta uu Gacanyarayaasha ka dhiganayo.

“Inta uu talefanka igala soo hadlay ayuu igu yiri, waxa aan doonayaa in aad noqoto xoghayahayga arrimaha dibadda mareykanka. Aniguna waxa aan ugu jawaabay, Maya, maya, ha iga dhiganin aniga. Fadlan aniga iga daa, waxaa jira dad kale oo badan oo hawshan qaban kara” Sidaa waxaa sheegtay xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton oo ka warramaysay qaabkii uu madaxweyne Barack Obama ugu wargeliyey xilka markii uu u magacaabayey, iyada oo intaas ku sii dartay in ay kulmeen si ay arrintan isula sii jilciyaan aakhirkiina ay isla ogolaadeen, kadibna uu madaxweynuhu shaaciyey warka ah in uu Hillary Clinton uu u magacaabay xilka Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Waa tusaale dhow oo tilmaamaya in sunnaha fiican ee dowladnimo iyo maamul uu yahay in hoggaamiyuhu si hufan aa aragti saraa u soo xulo dadka u noqonaya Gacan yarayaasha
Lkn maaha in isaga ay ka codsadaan inuu ka dhigo xubnaha mihiimkaa ee dawladiisa waliba iyagoo ugu hanjabaya inay noqon doonaan Caqabad waliba ku khasbaya inuu u dhiibo meelo dakhli badan oo ay xadikaraan.

Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Dani tuugta buux dhaafiyay Guriga looga taliyo Puntland iyagoo raba Xilala inaad ku abaal mariso waliba sida ay sheegeen meel Qoyaan leh waxaan dhihi lahaa ka fiirso oo adigu Soo xul kuwii dalka Horumarka kula gaadhsiin lahaa waa hadaad rabo.

Mubarak Ashkir.