War deg-deg ah:-Abiye oo ku amray Madaxweyne Mustafe Omar in uu iscasilo

Dawlada Federaalka itoobiya,ayaa ka codsatay Madaxweyne Mustafa Omer inuu is casilo kulan deg-deg loogu yeeray Magaalada Addis Ababa kadib.

Madaxweyne Mustafe,ayaa diiday soo jeedinta arrinkaas,waxaana saacad walba la filan karaa in arrinku faraha ka baxo sida ay noo axqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan madaxtooyada Somali Satate ee Jigjiga.

”Waxaan ka codsanaynaa shacabka Soomaaliyeed inay codkooda ku muujiyaan siday uga soo horjeedaan arrinkan”sidaa waxaa yiri mid ka mdi ah masuuliyiinta maamulka Somali State.

Waxaa jiray bishii udanbaysay ismaandhaaf xoog leh oo ka dhex taagnaa Madaxweyne Mustafe iyo masuuliyiinta ugu saraysa Dowlada Fadaraalka oo ugu horeeyo Wasiirka Maaliyada Axmed Shido.

Xigasho:-SR News