Muuqaal:-Musafeni oo markale ilhaamaystay Qaranimada Somaliya

Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa mar kale u gafay Dowladnimada Somaliya.

Mr Museveni oo maanta furayay kulanka Sanadlaha ah ee Garsoorka Dalkiisa,ayaa tusaale u soo qaatay sida ay Dowlad ku shaqeyn karto.

Waxaa uu Dal ku sharraxay Dad isu tagay oo isku meel ka soo jeeda,halka Dowladdu tahay midda fulisa awoodda iyo xeerka.

Waxaa uu sheegay in Dowladdu tahay mid maamusha Dalka, fulisana sharciga, waxa uu sheegay in ay jiraan Dalal aan lahayn Dowlad, waxuuna tusaale u soo qaatay Soomaaliya.

“Waxaa jira Dalal badan oo aan lahayn Dowlad,tusaale Soomaaliya, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyaddu ii ogoleyn in aan sheego”,ayuu yiri Madaxweyne Musafeni.

Halkan ka daawo muuqaalka Musafeni oo ka hadlaya arinkaas