Muuqaal:-Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay kismaayo kana hadlay caleema saarka Madaxweyne Deni

Axmed Maxamed Islaam oo dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka war bixiyey Safar uu Magaalada Garowe kaga qayb galay Xalfada Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kulamo uu halkaa uu ku dhaxmaray Madaxda Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Wakhtiga kulankaas ka horeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in wixii dhiman laga sugayo Dowlada Federaalka ah in ay Xal la timaado maadama masuuliyada ay iyada saaran tahay waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in niyad wanaag ay kala yimaadeen Garowe.

Qaraxii ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha ka tacsiyeeyey isagoona ugu baaqay Dowlada Faderaalka in ay ficil ku darto la dagaalanka Kooxaha Xagjirka ah,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka