Dib u dhiska Laamiga halbowlaha u ah Bosaso oo la musuqmaasuqay

Nasiib daro ka weyn majirto in dalka la musuqmaasuqo ma hudhadiisa.

Duqa Bosaso waxuu sheegay goor hore in la bilaabay dib u dhiska wadada Halbowlaha u ah Bosaso,isagoo shaaciyay shirkad uu ku tilmaamay in ay qaadatay mashruucaas.

Hadaba dib u dhiskii Laamiga muhiimka ah ee dhexmara Magaalada,waxuu nqoday la mood noqonse waa..

Ciid iyo dhagxaan laysku qasay oo boor badan,ayaa gododkii ka dhex samaysay laamiga laga buuxshay.

Bashiir Cabdisalaan masuulkii Dhalinyarada ahaa ee loo han weynaa ma waxay dani ka gayn wayday mashruucii qaaraanka lagu soo ururshay ee Bosaso eeganaysay.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaan ugu baaqaynaa in uu arinkaas faragaliyo talaabo deg-deg ahna qaato.

Dowlada Hoose ee Bosaso waxay mudan tahay la xisaabtan dhab ah.

Bosaso oo ah hooyada Puntland iyo xarunta ganacsiga,waxay la ildaran tahay dayac ka haysta xarumaha danta guud,Wadooyinka iyo guud ahaan arimaha Bulshada.