Hawlgalo amniga lagu xoojinayo oo ka socda Gaalkacyo

“Waxaa galabta loo dhaadhiciyau xabsiga Qardho 10-Maxbuus oo ah dhallinyaradii magaalada wareerisay qayb ka mid ah, inta kalana waan ku raad joognaa, fadlan waalidku ha ceshtaan Caruurtooda”, ayuu yiri, Duqa magaalada Galkacyo Yaasiin Cabdisamed.

Duqa Kmg ah ee Gaalkacyo mudadii yarayd ee uu hogaanka Magaalada hayay waxuu muujiyay waxqabad aan la dhayalsan karin.

Gaalkacyo oo ku taal meel muhiim u ah Puntland iyo guud ahaan Somaliya,waxay baahi uqabtaa amni.

Ma shaqeeyaan guud ahaan laamaha amaanka Gobolka,sababo lagu micneeyay qalab la’aan ,xarumo la’aan iyo mushahaar la’aan.

Sidoo kale adeeg Dadweyne oo ay Dowladu kabto ama waxuun ku darsato majiro.

Waxa kaliya ee Gaalkacyo ka jira waxay tahay masuuliyiin magacaaban oo canshuur si khasab ah uga qaata shacab aan wax masuul looga yahay aysan jirin.

Xukuumadii Madaxweyne Gaas dhawr jeer oo ay isku dayday in ay xaalada waxkaqabato guul dhamaystiran kama aysan gaarin,waxaase hada shacabku isha ku hayaa Xukuumada cusub ee Madaxweyne Deni sida ay u maareeyso xaalada Gobolka muhiimka ah ee Mudug.