Laftagareen oo goor dhow ku dhawaaqaya Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay ku jiray kulamo wadatashi ah oo ku aadan ku dhawaaqista Golaha Wasiiradda.

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa looga yeeray Warbaahinta, waxaana lagu dhawaaqaya Wasiiradda sida ay wariyaasha Baydhabo soo sheegayaan.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa muddooyinkii dambe waday latashiyo uu la sameynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in wajiyo cusub ay ka dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.