Madaxweynihii hore Ee DDS Cabdi Iley oo markale Maxkamad la hor keenay

Madaxweynihi hore ee DDSI Cabsi Maxamud Cumar aya Manta markale Maxkamad laso taagay iyadoona Xeer ilaalinta Ethopia ayaa sheegtay in 47 Qof oo uu kamid yahay Madaxweynihi hore ay ku lug lahaayen Dhacdadii 4ti Augosto ee Sanadki hore ka dhacday Magaalada Jig Jiga.

Rabshadahaasi waxa ku Geeriyooday 59 Qof waxana ku Dhaawacmay 266 Qof halka Hanti ka badan 412 Milyan oo Bir ay ku baaba’day.

Lix Qof oo uu ka mid yahay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hada gacanta lagu haaya waxaana Dalka Gudihisa iyo Dibadiisaba ku maqan 41 Qof iyadoo Dadkaasi intooda badan ay ku sugan yihin Gudaha Ethopia.

Dadka Falkaasi ka danbeeyay ayey Xeer Ilaalintu sheegtay in ay kamid ahaayen Masuliyin katirsan Maamulki hore’ Dhalinyaradi Heegada iyo qaar kamid ah Ciidamada Liyuu Booliska.

Todobo Cisho kadib aya dib loogu soo noqon doona Maxkamada si loo dhageysto Garyaqaanada Matalaya Labada dhinac.