Tahriibayaal tiro badan oo ku le’day Xeebta jabuti

Wararka ka imanaya Jabuuti waxay sheegayaan in la helay maydka ilaa 35 ka mid ah dadkii ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah, xeebta Obokh ee dalka Jabuuti maalintii shalay.

Hay’adda socdaalka muhaajiriinta IOM ayaa iyaduna sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan Obokh ay soo tebiyeen in lasoo badbaadiyey 16 qof.

Doonta degtay ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaadhaya 130 qof oo u socday dalka Yemen.

Sannadkii hore ayey IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 oo tahriibayaal ah.