Jigjiga:-Daawo wararkii ugu danbeeyay xaalada Jigjiga

Magaalada Jigjiga ayaa waxaa  maalmihii dambe  ka dhacayay rabshado ay soo abaabuleen dadka Itoobiyaanka ah ee ku dhaqan magaaladaasi, iyadoona lagu soo waramayo in xal deg deg ah arintaasi laga gaaray.

Inta ay rabshadaha socdeen ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ku dhawaad 2 ruux, halka 3 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay Magaalada Jigjiga ee dhulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Rabshaddaha ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen Qowmiyaddaha Soomaalida iyo waliba Amxaaradda ee dalka Itoobiya.

Taliyaha Booliiska Dowlad Deegaanka Soomaalida  Maxamed Cali Xasan ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga.

Maxamed Cali Xasan Taliyaha ayaa waxaa uu  arintaasi ku eedeeyay in ay ka dambeeyay Maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo uu sheegay in ay doonayaan hagal daacinta isbadalka jira.

Wararka ayaa sheegaya in qowmiyadda amxaaradda ay ka caroodeen gaadiid ay lahaayeen iyo goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo la gaarsiiyay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka