Yay ahaayeen isimadii lagu ilhaameeyay xafladii caleema saarka Madaxweyne Deni?

Xaqiiqdii waa wax laga xumaado in sadexdan isin ee maqaamka sare ku dhex leh Umada ay ku sugnaayeen Garowe habeenkii xaflada caleema saarka la qabanayay,,balse aan wax tixgalin ah ka helin gudigii,haldoorkii iyo madaxdii Puntland.

Sadexda isin,ayaa kala ah;-


1.Suldaan Siiciid Suldaan Cabdisalaan ,,Suldanka Guud Belaha Harti Ahna Suldaanka Ugu Abtirsiga Dheer Isimada Somalida

2.Garaad Saleen Garaad Maxamed,isinka guud ee beesha Maxamuud Garaad Dhulbahante.

3. Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ,isinka guud ee beesha Cali Saleebaan Majeerteen.

Isimadan kan ugu abitirsi gaaban ugu yaraan ilaa iyo 12 Awoowe,ayuu isinimo ku abtirsadaa in aysan kalmad ku yeelan xaflada ama aananba lagu casumin iyagoo Garowe ku sugan waxay ahayd ilhaamo qaran oo dhacday.

Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ahayd mid aad loo karaameeyay ceebta kaliya ee la taaban karo ee ay lahayd waxay ahayd Isimadan la ilhaameeyay,.

isimadu waxay leeyihiin xasaanad lama taabtaan ah oo aan la dhayalsan karin.

Madaxweyne Dani iyo haldoorka kalaba xaq waxaa loogu leeyahay in ay Isimadan u hoydaan…