Abwaan Baarleex oo geeriyooday

Abwaan Cabdillaahi Xirsi Ibraahim, oo ku magac dheeraa Baarleex, waxa uu Alle ha u naxariistee ka mid ahaa sugaanyahannada ay sida weyn u yaqaaneen guud ahaan dadka Soomaaliyeed wuxuuna taariikh lama illoobaan ah ku lahaa fanka.

Baarleex oo ay da’diisu ahayd 65 ilaa 66 sano ayaa ku dhashay magaalada Qorraxay ee hadda ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Shalay ku geeriyooday waddanka Hindiya, halkaasoo looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha ah oo uu in muddo ahba la il darnaa.
Abwaan Baarleex wuxuu ahaa nin gole ka yeer ah oo gabayada dusha ka tiriya hibo gaar ahna uu Alle siiyay”.

Deegaanno ka tirsan dhulka Soomaalida Itoobiya, Magaalada Hargeysa iyo qeybo ka mid ah Puntland ayuu u badnaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Wuxuu abwaanku ku caan baxay gabayada waddaniga ah saarka iyo dhaantada oo uu ku cabiri jiray xaaladaha taagan iyo majaajilada.

1970-meeyadii ayuu ku biiray ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya, isagoo ula tagay xirfaddiisa hal abuurnimo ee uu Eebe hibada u siiyay.

Waxaa lagu xasuustaa inuu gabayo badan oo guubaabo ah ku taageeray ciidamadii qaranka Soomaaliya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977-kii.

“Harar iyo hawaas Allahayow la helo” ayaa ka mid ahayd suugaantii wadaniyaddu ku dheehneyd ee sida weyn loogu xasuusto abwaan Baarleex.
Sidoo kale dad badan ayaa xasuusta dhaantadiisii uu kusoo hooriyay: “Qarsho weeyee qalbigu armuu nagu qarxaa?”.