Baardheere:-Qarax xoog leh oo lala eegtay saldhig Milatari

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in lagu weeraray Saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Baardheere.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Baardheere ayaa sheegay in qaraxa laga hortagay, isla markaana gaariga aanu gaarin halka bartilmaameedka ahaa.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegaya inay hayeen xogta qaraxa ismiidaaminta, waxaana la sheegay inta aanu is qarxin ay ciidamada joojiyeen, laguna qasbay inuu soo dego, balse uu is qarxiyay.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha Internet-ka ku sheegtay in qaraxa ismiidaaminta ay ku dileen tiro askar Itoobiyaan ah.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay magaalada oo dhan, iyadoo dadka deegaanka uu cabsi iyo walwal badan ku abuuray.

Magaalada Baardheere ayaa waxaa saldhig ku leh Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, waxaana sanad ka hor isaga baxay Ciidamo Kenyan ah oo qeyb ka ahaa ciidamadii huwanta ee la wareegay magaalada sanadkii 2015-tii.