Maxaad ka og tahay taariikhda Talyaha cusub Ee hawlgalka Amisom Somaliya ?

Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Dalka Soomaaliya ayaa Jenaral Tigabu Yilma Wondimhunegn u magacaabay Talyaha guud ee Ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Somaliya.

Tigabu Yilma oo kasoo jeedo dalka Itoobiya,ayaa xilka kala wareegay Talyihii hore ee Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM Jim Beesigye Owoyesigire oo Dalka Uganda u dhashay.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa madaxa AMISOM Francisco Caetano Madeira.

Tigabu Yilma,ayaa in ka badan 30-sanno ee lasoo dhaafay xilal kala duwan kasoo qabtay ciidanka xoogga ee dalka Itoobiya.