Muuqaal:-Barnaamijka Baadi Goob Ee wariye Terra oo Dhex-dhexaadinamada Lumiyay

Runtii waan soo dhawaynayaa, waana bogaadinayaa Wariye Terra iyo Barnaamijka aadka qiimaha u leh ee Baadi Goob, iyadoo muhiimadu ay ahayd in shacabka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan oo aysan dib dambe u dhicin in inta hantidooda la dhaco aan cidna iswaydiin.

DHEX-DHEXAADNIMADA BARNAAMIJKA

Waxaa soo jeedinayaa marka aad baaritaan soo bandhigayso dhex-dhexaadnimadu aad bay muhiim u tahay, waxaana ka dhex muuqda Barnaamijka sida aad sawirada iyo muuqaalka ku aragtaan Heshiisyo ay gashay dawladda Nabad iyo Nolol oo Barnaamijka lagu eedaynayo dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh (BAL ILA EEGA TAARIIKHDA HESHIISKA).

Barnaamijku dhex-dhexaadnimadii wuu lumiyey haddii uu eed ay leeyihiin madaxda Nabad iyo Nolol ee Villa Somalia ka talisa uu u dusha ka saaray dawladii ka horaysay.

Waxaan ka codsanayaa wariye Abdiriq Terra inuu dhex-dhexaadnimada ilaaliyo haddii kale Barnaamijkiisu qiimo ma yeelanayo.

Waxaan si xoogan u bogaadinayaa xogaha qarsoonaa ee uu Barnaamijku daaha ka rogay, waana inay Soomalaidu ku baraarugtaa oo dalkooda iyo hantitooda ilaashadaan kulana xisaabtamaan shaqsigii dayaca ama qaata.

Mahdi Yuusuf Dhuux

Halkan hoose ka daawo muuqaalka