Jubaland oo dib loogu fasaxay lacag horay looga xayiray

Lacagtan ayaa loogu tala galay dhismaha mashaariic horumarineed iyo dhismaha waddooyinka oo laga hirgelinayo magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho lagu wareejiyay lacagtaas.

Wasaaradda Maaliyadda Fadaraalka,ayaa qoraal sanadkii hore ay u marsiisay baraha Bulshada waxay kaga dalbatay Jubaland in ay soo gudbiso xisaab xirka iyo sida loo qoondeeyay lacagaha horay loogudiray,dalabakaas oo Maamulka Jubaland kaga jawaabay Xisaab celin uu soo marsiiyay baraha Bulshada.

Tallaabadan,waxay horseedeysaa isu soo dhowaansho bilow ah oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah,kaddib kulankii Garowe Todobaadkii hore ku qabsoomay.