Madaxweyne Deni oo laga yaabo in uu Markale mudo kordhin codsado

Madaxweyne Deni Jimcaha waxaa kaga eg xiligii uu dalbaday in loogu daro soo magacaabida Golaha Wasiirada ee cusub.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in ay dhici karto in uu mar kale dalbado wakhti kordhis loogu sameeyo soo magacaabida Wasiirada.

Dad qaar waxay qabaan in uu yahay Nin jilicsan oo aan karti ulahayn in uu ku dhawaaqo golaha,halka Dadka qaarkiisna ay ku tilmaamayaan in uu yahay Nin degan oo ka fiirsi badan rabana in uu soo doorto masuuliyiin Umada ka gadmaya.

Culayska ugu badan waxuu uga imaanayay sida xogtu sheegayaso kooxdii qaybta weyn ku lahayd soo bixidiisa ,kuwaasoo ku adkaystay in ay helaan Wasiirka Maaliyada.

Isha warka aan ka helnay,ayaa tilmaamaysa kooxdaasi way ku guulaysteen rabitaankoodii oo Wasiirka Maaliyada ee soo socda,wuxuuna noqon doonaa garabkooda,balse waxay ku guuldaraysteen shaqsigii ay aadka ugu olalaynaayeen in booskaa loo dhiibo ee ahaa Xasan Shire Abgaal,waxaana Madaxweyne Deni ka aqbalay shaqsi kale oo ay kusoo badaleen kaasoo lagu magacaabo Abdisalaan Dheeliyo.

Sidoo kale beesha Cali Saleebaan oo ka codsatay Madaxweyne Deni in uu siiyo Wasiirka Maaliyada wuu ku gacansayray,waxuuna usheegay in kursigii reer Bari isagu ku fadhiyo awoodaha harayna ay qaadan doonaan Gobolada Mudug iyo Sool si awood qaybsiga iyo Midnimada Puntland usugnaato.

Madaxweyne Deni waxay ubadan tahay in uus oo dhiso Xukuumad kooban oo 12-Wasiir ah ama in uu sidii hore wax ku wado,balse wali xaqiiqda rasmiga ah lama oga.

isku soo wada duuboo Madaxweyne Deni ilaa iyo hada waxuu muujiyay hogaamin lagu qanci karo.

Jibril Qoobey.