Ninkii Dilay Maamulihii Dekeda Bosaso oo Geeriyooday

Waxaa caawa Isbitaalka magaalada Bosaso ku geeriyooday Ninkii saakaa subaxii hore toogashada ku dilay maamulihii Dekeda Bosaso ee shirkadda P&O Port ee dalkaasi Imaaraadka Carabta Paol Farmosa.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, da’ahaana lagu qiyaasay 20 jir ayaa la dhigay qaybta xaalada deg dega ah ee cusbitaalka Bosaso, iyadoo qaliin lagaga sameeyay 5 xabadood oo ku dhacay

” Abaarihii 8: 30 fiidnimo ayay naftu ka baxday, waxaa lagu sameeyay qaliin lagaga saaray xabado kaga dhacay Badhida, Caloosha iyo gacanta, waa lagu dadaalay in la badbaadiyo hase yeeshee waa lagu guuldaraysay” sidaas waxaa horseedmedia u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Cusbitaalka Bosaso oo magaciisa qariyay.

Ciidamada Ilaalada Dekeda ayaa toogtay ninka dilay Paol Farmosa, waxay kaloo qabqabteen tiro dad ah oo ka mid ahaa shacab doonayay inay wax ka soo iibsadaan suuqa Kalluunka magaaladda Bosaso. Suuqaasi ayaa maanta gebi ahaanba xirmay.

Xigasho:Sahan Online