Abaanduulayaal muhiim ah oo laga dilay Ciidamada Dowlada Fadaraalka

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aado ayaa qabsaday gaari Ciidan uu uu saarnaa Abaanduulka, isagoo xiligaasi ka sii baxayay lagula eegtay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koofurta Muqdisho, gaar ahaan dhanka wadada Xeebta.


Sidoo kale taliyaha waxaa la geeriyooday Sarkaal kale oo lagu magacaabo Col. C/raxmaan Jimcaale Muuse oo ahaa Madaxa Maaliyadda ee Guutada 1aad Ciidanka xoogga dalka, kaasoola saarnaa gaariga, waxaana meydkooda la keenay Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan.


Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay geerida labada Sarkaal, wuxuuna sheegay iney wadaan howlgalo lagu baariyo sida weerarka uu u dhacay, Isagoo ku eedeeyay Shabaab mas’uuliyada weerarka.


6-dii bishii 12-aad sanadkii hore ee 2018 ayay eheyd markii Shabaab ay isla deegaankan Dhanaane ay qarax ku dileen Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa 7 askari oo kale.