Xaraash mise suuq-geyn:- Shirka shidaalka Soomaaliya ee London?

Waxaa toddobada bishan Febraayo lagu wadaa in magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ka dhaco shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya.


Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum.


Haddaba shidaalka Soomaaliya ma la “xaraashayaa” mise waa la suug-geynayaa?

Inkastoo shir kan lamid ah horay loogu qabtay dalka koonfur Afrika, loogana hadlay shidaalka Soomaaliya ayaa haddana waxaa arrintan walaac ka muujiyay qaar kamid ah axsaabta siyaasadda Soomaaliya oo shirkaasi ku tilmaamay mid lagu “xaraashayo” kheyraadka dalka.

Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war saxaafadeed uu kaga hadlayo arrintan soo saaray ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay sharci darro, warbixinta sahminita shidaalka na horay loogu soo bandhigay Koonfur Afrika, waxa hadda London lagu qabanaya na uu yahay sidii xirmooyinka shidaalka ee Soomaaliya loo “xaraashi” lahaa.

“Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya”. Ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

Xisbiaga Wadajir ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka shirka London uusan ahayn sida dowladdu ay sheegtay.

“Xukuumadu waxay soo saartay qoraal ay ku sheegayso in ujeedka shirka uu yahay xog wadaag, laakiin waxaan tuhun ka qabnaa qoraalka shirkada (Spectrum) ee cadaynaya in ujeedku yahay iibinta xirmooyin shidaal, maadaama shirkii soo bandhigidda xogta shidaalka Soomalaiya horay loogu qabtay wadanka Koonfurta Afrika. Waxaan xukuumada ku wargelinaynaa in hawlaha sidaan xasaasiga u ah ay u baahan yihiin wadatashi iyo aragti midaysan oo xooggaga siyaasadeed isla meel dhigaan. Ma aha hawl ay xukuumadu kaligeed go’aansan karto, maadaama ay waxa miiska saarani yihiin hanti Qaran”. Ayuu raaciyay xisbiga wadajir.


Balse wasiirka macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono.


“Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya.


Soomaalida ma ku heshiisay qeybsiga kheyraadka dalka?
Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay inay jiraan shuruuc ku saleysan sahmintii shidaalka ee Badda, kaasi oo lasoo saaray sanandkii 2008-dii, waxaana uu intaa raaciyay in sharcigaasi dib u eegis lagu sameeyay.


“Waa jira heshiis rasmi ah oo dowladda federaalka ee Soomaaliya ay la gashay dowlad goboleedyada sannadkii hore, bishii Juun 5-teedi, kaasi oo lagu saxiixay heshiiska la haanshaha maamulka iyo wadaagga kheyraadka batroolka iyo macdanta Soomaaliya oo ay ku caddahay dhamaan ciddii maamuli laheyd, yaa iskaleh, sidee loo kala qaadanayaa, dowlad goboleedyada maxay qaadanayaan, dowladda dhexe maxay maamuleysaa, dowlad goboleedka aan waxba soo saarin muxuu heli doonaa , intaasi oo dhan iyadoon wali wax xisabaad ah soo bixin ayaa lagu heshiiyay”. Ayuu raaciyay wasiirka.

Hasayeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa baddalka shirka London soo jeediyay in marka hore la sameeyo arrimo ay kamid yihiin:


1. In la dhiso Golaha Khayraadka dalka, oo ah golaha ugu sarreeya ee lagu lafa guro Arrimaha khayraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.


2) In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Batroolka. Xukuumadu ma dhisin hay’adaas.


3) In la dhiso Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (Somali National Oil CompanySONOGRAM) oo ah shirkad ay yeelanayso Dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta, rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada, taasoo lagu qeexayo sharci gaar ah.


Dhibaatooyinka dalal badan ay ka dhaxleen shidaalka
Shidaalka oo la ogyahay in qiima sare uu ka joogo suuqyada caalamka, dalal badan na dhaqaale ahaan ay ku horumareen ayaa waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in uu colaad iyo dhibaato horleh u horseeday dalal ay kamid yihiin labada Suudaan, Nigera iyo Ciraaq oo tusaale loo soo qaato dalalka ay dhiabaatada ugu badan kasoo gaartay dhibaatooyinka laga dhaxlo kheyraadka dabiiciga oo aan si wanaagsan loo qeybsanin.

Xigasho:BBC