Cabdi Maxamuud Cumar oo markale Maxkamad la hor keenay

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta Maxkamadda ka hor sheegay in dhamaan eedaha loo jeediyay ay yihiin kuwo been ah oo la abaabulay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dad dano gaar ah leh ay soo ururiyeen eedaha tirade badan ee ay maxkamadda ku soo oogtay.


Qareennada Difaacaya Cabdi ayaa cabasho u gudbiyay Maxkamadda waxaana ay sheegeen in eedeeyayaasha aysan heysan caddeyn ku filan kiiskooda Dacwadda maanta ayaa dib loo dhigay mar kale ilaa 13ka Bishan Februay,waxaana ay Maxkmadda dalbadatay in dacwad oogayaasha ay soo dhameystiraan marqaatiyada iyo caddeymaha kale ee loo hayo Cabdi Maxmauud Cumar.


Sidoo kale Maxkamadda ayaa 27ka Bishan u qabatay in la hor keenoi xubnaha kale ee la xirnaa Cabdi Maxamuud Cumar,maaddaama maanta uu kaligiis ka soo muuqday.


Xubnaha kale ee xiran waxaa ka mid ah; C/Risaaq Sahane Cilmi, madaxii hore ee guddiga qurbe joogta, Raxmo Maxamed Haybe oo ahayd madaxii Waaxda Haweenka iyo Carruurta iyo xubno kale.


Dhinaca kale dacwad oogayaasha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay waqti fiican u siiso Dhinaca kale dacwad oogayaasha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay waqti fiican u siiso sidii ay u soo xiri lahaayeen dadka gacanta dowladda ka maqan ee eedeysanayaasha ah kuwaas oo dalka ka baxsaday.