Wakiilka qaramada midoobey Ee Somaliya oo dhawaan lagu dhawaaqi doono

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres  oo ay VOA la hadashay ayaa isaga oo ka jawaabayay xiriirka waqtigan u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in dhawaan uu halkaa u diray sida uu hadalka u dhigay ku-xigeenkiisa arimaha siyaasada oo kulamo kala duwan la qaadatay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

‘’Maalmo kooban ayeey joogeen Muqdisho wafdiga ka socday Qaramada Midoobey, waxaa dhacay wada hadallo dhax-gal ah oo arrimo badan leyskula eegay, dhawaan ayaanan magacaabi doonnaa wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya’’ ayuu yiri Antonio Guterres

Wuxuu sheegay in wakiilka cusub uu baal bog cusub u furi doono xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, isaga oo intaa ku daray in waxa kaliya oo ay doonayaan tahay Soomaaliya oo ka taqlustay dhibaatooyinka iyo xaaladaha adag oo ay la tacaaleyso.

‘’Waxaa jira hormarro badan oo ay Soomaaliya ku talaabsatay, waxaana ka tilmaami karnaa xaaladaha dhinaca dhaqaalaha, hormar wanaagsan ayaa dhankaa laga sameeyay, waxaanan rajeynayaa in ay tani xaliso mashkaladaha ka taagan dhinaca deynta’’ ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Dhawaan ayay ahayd markii wafti sare oo ka socda Qaramada midoobey uu gaaray Muqdisho lana kulmay madaxda ugu saraysa Xukuumada Fadaraalka Somaliya,kulamadaas oo la sheegay in ay kusoo idlaadeen is afgarad balaaran oo la gaaray.