Shirka Wasiirada A.Dibada Ee Wadamada Africa oo ka furmay Adis-ababa

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Wadamadda ku mideeysan Ururka Midowga Africa ayaa maanta ku shiraya magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia, halkaas oo Axadda soo socota uu ka furmi doono Shir-madaxeedka Midowfa Africa.

Shirka Wasiiradda waxaa looga hadli doonaa Arrimaha ay madaxda faaqidi doonaan, waxaana si gaar ah  xoogga loo saari doonaa Xaaladaha Liibiya, Somalia iyo Jamhuuriyadda Demuqaraadiga ah ee Condgo.

Waxaa lafilayaa in lasoo hadal qado Xaaladda Amni ee Soomaliya iyo doorka ciidanka Midowga Africa ay uga jiraan xalinta dalka. Sidoo kale waxaa shirka Wasiiradda Africa lagu soo qaadi doonaa Ciidanka ka socda Dalka Brundi ee 1000 ka Askari ah ee la qorsheeyay in dabayaaqadda Bishaan ay dalka ka baxaan.

Madaxa Africa ayaa Addis Ababa iskugu tagi doona Axadda soo socota waxaana la filayaa in Hogaanka Midowga uu la wareego Madaxweeynaha Masar Cabdi fitaac Al-siisii.