Sidee lagu noqdaa Xubin Ciidamada Sirdoonka ah?

Qarnigan hadda la joogo, dalalka iyo dawladaha caalamku kuma tiirsana oo kaliya; cudud-ciidan,mid dhaqaale, hogaamin hufan, horu-mar, heerka aqooneed iyo midka waxsoosaar ee dadka iyo dawladu leedahay, laakiin waxa udub-dhexaad u ah haayadaha nabad sugidda iyo sirdoonka oo kaalin muhiima ka qaata:

Ogaanshaha weerarada ka iman. Kara dalka gudihiisa iyo dibadda.

Ilaalinta xogaha iyo siraha gaarka ah ee waddanka.

Ka hortagga iyo gacan ku dhigidda. basaasiinta shisheeye.
Ogaanshaha cadowga qarsoon

Soo ururinta siraha iyo siyaasada hadoodilan ee cadowga tooska ah.
Fulinta hawl galada halista ah

Sidaa darteed waxa la odhan karaa: sirdoonka waxa uu xilkoodu yahay raadinta,soo ururinta iyo soo gudbinta siraha qarsoon, si loo xoojiyo xiriirka, danaha, amniga iyo amaanka waddan leeyahay.

Ciidanka loo xusho ka mid noqoshada iyo ka qayb qaadashada waaxaha sirdoonka, waxa loo kala saaraa labo qaybood:

Qayb ugaara dalka gudihiisa,oo usii kala baxda waaxo kala duwan iyo

Qayb ku hawlan sidii ay daboolka uga qaadi lahayeen siraha qalaad ee qarsoon, sidoo kalena waxay fuliyaan shirqoollo loo baahan yahay, waxaana lagu magacaabaa basaasiin.

“BASAAS ” waa erey loogu yeedho :
Ruuxa sida shaqsiga udabagala arrimaha gaarka ee qof leeyahay sida; asxaabta, ehelka,qaraabada iyo qariibka.

Qofka ka tirsan ciidanka sirdoonka ee ka hawlgala dalalka shisheeye.

Diin ahaan iyo dastuur ahaanba waa dembi adag basaasnimadu, balse waxa jira xilli iyo xaalad la ogolyahay oo ah, marka la basaasayo colka iyo cadowga ka soo horjeeda dalka iyo diinteena.

Si uu qofku ugu biiro hay’ad sirdoon, waxa looga baahan yahay inuu lahaado:

Geesinimo iyo dhiiranaan
maskax-furnaan
Hal-abuurnimo
Aqoon heer jaamacadeed ah

Waddaniyad iyo waddan-jacayl
Xirfado uu ku shaqaysto,marka loo diro dawladaha iyo dalalka kale, sida: sawir-qaade, saxaafad, darawal, makaanik iyo mihnada kale ee aan laga shakiyin.

Waa inuu ugu yaraan ku hadlaa 2-3 luqadood oo ajaanib ah.

Intaa kadib, waxa la mariyaa badhitaan caafimaad, haddii uu ka gudbana,waxa
Loo bilaabaa tababarka.

Mubarak Ashkir.