Video:-Shirkii London oo noqday mid lagu xaraashayo Shidaalka Somaliya

Waxaa la bedelay qorshihii shirkii xaraashka shidaalka ee LONDON lagana dhigay oo kaliya in shirkadaha aay jeediyaan qudbado ku saabsan macluumaadka shidaalka Soomaaliya iyo wadamada Afrika, iyadoo ujeedka laga leeyahay uu ahaa in la marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay xaraashka kheyraadka dalka iyagoo sameeyay abaabul ballaaran kana dhigay bannaanbax weyn oo ka soo qeyb galeen dad ka badan 12 Kun oo qof.

Waxaa Dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum aay si qarsoodi ah ugu heshiiyeen in xaraashka ceelasha dokumentiyada iyo macluumaadka si hoose loogu qeybiyo shirkadaha laga iibinaayo taasoo kasoo horjeedda qaanuunka caalamiga ah.

Dowladda Federaalka ayaa culeys xooggan kala kulantay shacabka degan Yurub gaar ahaan magaalada London kuwaasoo si aanan hore loo arag uga dhiidhiyay falalka musuqa aay dowladda Farmaajo ku xaraasheyso shidaalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah ka qeybgalayaasha oo la hadlay shacabkii bannaanbaxayay ayaa sheegay in xaraashkii uu dhacay laguna iibiyay kheyraadka shidaalka ku jira Soomaaliya lacag dhan $3 BILLION oo doollar taasoo uu si toos ah u maamuli doono RW Kheyre.hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka