Video:-Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay shirka shidaalka

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirka London yahay Bandhig Carweed dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku soo bandhigeyso qorshaha Shidaalka Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku darray in illaa 50 xirmo blocks ah oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM oo ay soo sahmisay dowladdii hore lagu wareejiyay shirkad ku taala Ingiriiska, iyadoo maantana la soo bandhigi doono xogtaas, si ay uga soo baaraan dagaan shirkadaha ka qeybgalaya shirka magaalada London.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka in ay ka soo horjeedaan hormarka la sameynayo, isaga oo intaa ku darray in loo baahan yahay in dalka laga soo saaro kheyraadka ku jira.

Shirka magaalada London ee looga hadlayo shidaalka Soomaaliya ayaa dhaliyay hadal heyn aad u badan, waxaana ay siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradku ku eedeeyeen dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in ay xaraasheyso shidaalka Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka