Video:-Shirkii shidaalka Ee London oo furmay

Magaalada London ee dalka Britain waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya, oo ay ka qeyb galayaan shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay oo sahan ku sameysay shidaalka Soomaaliya iyo shirkado kale oo ay casuuntay iyo dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay, ayaa siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ay walaac ka muujiyeen, iyagoo ku tilmaamay mid lagu beylahsanayo Shidaalka Soomaaliya, maadaama aaney jirin sharciyo iyo xeerarka Batroolka.

Waxaa kaloo shirka mid aan dastuuri aheyn ku tilmaamay guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, oo maalin ka hor war qoraal ah soo saaray,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka