Xuska maalinta Ciidanka Itoobiya oo ka dhacay Baadhame

Magaalada Baadhame oo ah mid ay Soomaali badani aaminsan tahay in mar hore Eritrea lagu wareejiyay,ayaa waxaa maanta ka dhacay xaflad iyo dhoolatus lagu maamuusayay xuska 7aad ee maalinta Ciidanka Qaranka Itoobiya.

Xuskan oo uu soo diyaariyay Taliska qaybta galbeed ee ciidanka Milatariga oo saldhigiisu yahay Baadhame waxaa marti sharaf ku ahaa madaxwaynaha deegaanka Tigray Dr. Debretsion gebremichael.

Xuskan laguma casumin Raisalwasaare Abiye,waxayna umuuqataa in uu ahaa fariin loo dirayay isaga iyo kooxdiisa markay xukunka qabteen ku dhawaaaqay in Baadhame lagu wareejinayo Eretereya,islamarkaana labada Dal Xuduudahoodu isku furan yihiin.

Baadhame waa magaalo yar oo xuduuda kutaala waxaana 20 sano kahor loo xukumay Eritrea,balse uma muuqato mid si fudud lagu wareejinayo.