AKHRISO: Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka hadashay Dilkii Paul loogu geystay Boosaaso.

ABU DHABI (IDIL NEWS)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si kulul u Cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee Dekada Boosaso  ee Xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

War qoraal ah ooo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Hay’adda P&O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World, una gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta.

Sidoo kale, Qoraalka kasoo baxay Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan baaritaanada haatan socda ee loogu dabagalayo  qaabkii uu u dhacay dilkii Paul.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu muujiyey inay Imaaraadka ka soo horjeedaan dhamaan noocyadda falalka colaadeed, iyado odhanka kalena lagu xusay baahida loo qabo inay Beesha Caalamka u midoobaan  La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Cabsida Xag-jirka ee khatarta ku ah Ammaanka iyo Deganaandhaha dhamaan Dalalka Caalamka.

Ugu dambeyntii, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqday Dowladda Puntland inay  muhiimad gaar ah siiyaan bad-baadada Shaqaalaha ka hawl-gala Dekedda Magaalada Boosaaso, si ay maalgashiga Dekedaasi uga faa’ideystaan Ummadda Soomaaliyeed.

IDIL NEWS