Gaalkacyo oo lagu dilay Nabadoon caan ahaa

Nabadoonka ayaa la sheegay in la toogtay xili uu taagna meel aan ka fogeyn Hoygiisa oo ku yaalla dhinaca waqooyi Magaalada Gaalkacyo,waxaana la tilmaamay in markii hore dhaawac ahaan loo qaaday balse markii dambe uu isbitaalka ku geeriyooday.

Nabadoonka ayaa la sheegay in uu Caan ka ahaa magaalada gaalkacyo,isla markaana lagu magacaabi jiray Cabdiqani baale.

Sidoo kale Raggii dilka ka dambeeyay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee Magaalada Gaalkacyo,isla markaana looga hadlayo dilka caawa ka dhacay Gaalkacyo