Golaha Wakiilada Puntland oo isku raacay Talo soo jeedin la hor-geeyay (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland, ayaa maanta isku raacay tala soo jeedin, ku aadaney in Puntland si rasmi ah looga Hir-geliyo Nidaamka Dimuqraadiyada iyo Dooraasho hal qof iyo Hal cod.

Talo soo jeedintan ayaa waxaa Xildhibaanada u soo gudbiyay Guddi Xildhibaano ah oo loo saaray u kuurgelida sababaha ay u qabsoomi weydo Doorashada Nimaadka Xisbiyada badan iyo caqabadaha haysta Guddiga Doorashada Puntland.

Kulanka Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 48 Mudane, ayaa Dood dheer kaddib waxaa loo qaaday Talo soo jeedinta cod gacan taag ah, Iyadoona ay ogalaadeen 43 xildhibaan, 2 xildhibaan ayaa diiday, 3 Xildhibaana waa ka aamustay.

Daawo.

IDIL NEWS