Jubbaland oo Dagaalamayaal Shabaab ah ku dishay Degaanka Araare (Daawo)

ARAARE (IDIL NEWS)- Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigay hub ay kasoo furteen malayshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Hubkaan ayey ciidamadu kusoo furteen howlgaladii ay sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale jira meydad ay ka carareen kooxda Al shabaab.

Ciidamadu waxay soo bandhigeen meydka dagaalame kamid ah Shabaabkii dagaalka lagu dilay.

Waxaa jira meydadka 25 dagaalame oo ay ciidamadu kasoo qaadeen goobahii ay howlgalada ka sameeyeen laakiin wax sawir ah lagama soo qaadin jirkooda oo aad u bur buray awgeed.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladu sii socon doonaan.

Ciidamada Jubbaland oo taageero ka helaya ciidamada Maraykanka ayaa dharbaaxo xun ku dhuftay malayshiyaadka Al shabaab.

Saraakiisha ciidamadu waxay sheegeen in howlgaladii ugu dambeeyey kooxdu ku wayday ku dhowaad 40 dagaalame.

Daawo.

IDIL NEWS