Taliska Booliska oo digniin adag kasoo saaray Dilalka Ciidamadu u geystaan Shacabka Muqdisho (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Warbaahinta ee Ciidanka booliska ayaa ka hadlay toogasho Todobaadkii hore ay Muqdisho ka geysteen Ciidanka booliska.

Jen. Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Booliska ayaa sheegay inaan wax dulqaad ah oo dambe loo heyn doonin dilalka askarta ay u geysteen shacabka, kaddibna ay goobta ka baxsadaan, wuxuuna dhaliil u jeediyay Saraakiisha booliska ee Kontoroolka kasta jooga, kuwaasoo aan qaadin tallaabooyin lagu soo qabanayo gacan ku dhiiglayaasha.

“Haddii ay wax dhacaan waa qadar Eebbe, Laakiin looma dulqaadan karo loomana dulqaadan doono ninaa inta qof dilay ayaa askari ah oo labisan ka cararay goobtii uu wax ku dilay, arrintaas waxaan rabnaa inay suusho” ayuu yiri Jen. Bariise.

Waxaa uu sheegay in dhammaan askartii dilalka ka geysatay Muqdisho todobaadkii la soo dhaafay gacanta lagu soo dhigay, balse hal askari uu gacanta laamaha amaanka ka maqan yahay, kaasoo laga baadi goobayo Muqdisho.

“Dhamaan wixii ka dhacay gacanta Ciidanka booliska Soomaaliyeed inta ugu badneyd waa la qabtay, waxaana loo gudbiyay Maxkamdii awoodda u laheyd qaadista kiiskaas, hal ninaa jira qof dilay, isagiina wa alagu raad joogaa mana laga haraayo waa lagu raadjoogaa”ayuu yiri Jen. Bariise.

Shan cisho gudahood Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa degmooyinka Hodan, Wadajir, Yaaqshid iyo Howlwadaag ku dilay Shan qof oo Shacab ah, kuwaasoo ay ku jirtay Hooyo heysatay 8 Carruur ah.

Daawo.

IDIL NEWS