Wararkii Ugu Dambeeyay: Madaxweyne Deni oo soo Gaba-gabeeyay Liiska Golaha Wasiirada Cusub.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqaya Golaha Wasiirada cusub ee Dowladda Puntland, Iyadoona wararku ay sheegayaan in Madaxweynuhu uu soo gaba-gabeeyay Liiska Golaha Xukuumadda.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada caawa illaa berri, waxaana si weyn loo hadal hayaa in Madaxweynuhu uu soo Magacaabi doono Gole Wasiiro oo kooban.

Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, ayaa si weyn loo hadal hayaa, Iyadoona dhowaan uu Madaxweyne Deni, uu joojiyay kulamadii qaabilaada, taasoo looga gol lahaa inuu yareeyo siyaasiyiinta xildoonka ah ee Madaxtooyada Garoowe buux dhaafiyay.

 Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland ayaa waxaa si Xamaasad geliyay kaddib markii Barlamaanka Dowladda Puntland ay Ogalaadeen muddo kordhin uu dalbaday in loo sameeyo Madaxweyne Deni waqtiga uu Dastuurka Puntland faray inuu kusoo dhiso Golihiisa Wasiirada.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News.

IDIL NEWS