Ciidamada Sirdoonka Jubaland oo fashiliyay Qarax

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Sida lagu baahiyay warbaahinta Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo soo xiganaya Nabad sugida Jubbaland, waxaa gacanta lagu soo dhigay Walxa qarxa oo la doonayay in lagu qarxiyo deeganada maamulkaasi.

Waxa ay baahiyeen in Ciidamada nabad sugida Jubbaland gaar ahaan kuwooda loo tababaray ka hor taga walxaha qarxa ay gacanta kusoo dhigeen ilaa afar Miino ayna kusoo qabteyn howgal ay sameyeen.

Miinooyinkaani ayaa laga soo saaray wadada xiriirsa Araare iyo Muuse Xaaji, waxaana la sheegay in ciidamada nabad sugida Jubbaland ay kol siii horeysay heleen xogta Miinooyinkaani.

Masuuliyada khasaaraha ka dhasha Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxaa badi sheegta Shabaab.

IDIL NEWS