Baarlamaanka Puntland oo Go,aan ka gaaray Qaabka loo ansixinayo Golaha Wasiirada (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta u codeeyay in Wadar ahaan loo ansixiyo Wasiirada Cusub ee Madaxweyne Deni uu soo Magacaabi doono Saacadaha soo socda.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa u codeeyay in si Wadar ah loo ansixiyo Golaha Wasiiradda, kaddib dood dheer oo ay yeesheen Mudanayaashu.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 53 Xildhibaan, Iyadoona 26 xildhibaan ay ogalaadeen in si wadar ah loo ansixiyo, halka 24 Xildhibaana ay u codeeyeen in mid mid loo ansixiyo Wasiirada, waxaana ka aamusay3 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo Natiijada Codeynta ku Dhawaaqay, ayaa Sheegay in Baarlamaanku uu go’aansaday in wadar lagu ansixiyo Wasiirada cusub ee la sugayo.

Daawo.

IDIL NEWS