Ciidamada Ammaanka oo howlgalo culus ka wada Gaalkacyo.

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland, ayaa Howl-gallo culus ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kuwaas oo lagu Xaqiijinayo amniga, sidoo kalena lagu baadi goobayo Kooxo dhagar qabayaal ah oo dil xalay ka geystay Gaalkacyo.

Howl-galkan oo ah mid ay Ciidamadu ka wadaan Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, ayaa yimid kaddib markii Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyni ay xalay dileen Nabadoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Bale, oo kamid ah Nabadoonada caanka ah ee Gaalkacyo.

Sidoo kale, Kooxdan Hubeysneyd ayaa dhaawacay Wiil uu dhalay Nabadoonka la dilay, waxaana ay ka baxsadeen goobta oo daqiiqado kaddib dilka ay Ciidamadu gaareen.

Illaa iyo haatan lama oga cid lagu soo qabtay Howlgaladan oo ah kuwo Bartilmaameedyo lagu galayo, sida uu sheegay Wariyaheena Gaalkacyo.

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa waxaa inta badan ka dhaca Dilal ay geystaan Kooxo aan heybtooda la garaneyn, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado Haldoorka Puntland ee Gobalka Mudug.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS