Ciidanka Badda oo maanta Dabaal-degaya Sanad-guurada 54-aad.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi Indhaqarhse  ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo dabaal degaya Sanad guurada 54-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii.

“Waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 54aad ee Ciidanka badda” ayuu yiri Sarreeye Gaas Daahir Aadan  Cilmi Indhaqarshe

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kli.

IDIL NEWS