Maxaa looga hadlay Kulankii Madaxweyne Farmaajo Iyo Xoghayaha QM(Daawo)?

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar‬ Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan.

Kulankaan ayaa yimid ka dib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ay ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Haysom ka dib markii Khilaaf uu soo gala dhex galay dowladda dhexe iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka

IDIL NEWS