Puntland oo soo Bandhigtay Shilalkii ka dhacay Degaanadeeda 2018-kii (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Taliska Ciidanka Ilaalinta Nabedgelyada Wadooyinka Ee Dowladda Puntland, ayaa soo bandhigay shilalkii ka dhacay deganaada Puntland Sanadkii Tegay Ee 2018, kuwaas tiradoodu kor u dhaafayso 3000 oo Shil.

Axmed Cabdi Cali (Qalyare), Taliyaha Ciidamada Ilaalinta Waddooyinka Dowladda Puntland, ayaa Sheegay in Sanadkii tagay ee 2018 ay Degaanada Puntland ka dhaceen Shilal gaaraya 3,099 Shil, Isagoona tilmaamay inay ku dhinteen Shilalkaas Dad gaaraya 233 Qof, halka dhaawac culus ay kasoo gaareen 432 Qof.

Waxaa uu Sheegay Taliye Qalyare in Shilalkaas ay ku Burbureen 272 Buubuur, halka ay ku baabe’een 1,207 Neef.

Axmed Cabdi Cali (Qalyare), Taliyaha Ciidamada Ilaalinta Waddooyinka Dowladda Puntland, ayaa Sheegay In Shilalka Puntland ka dhaca ay sabab u yihiin Wadada oo Burbursan iyo in ay baabe’een Calaamadihii kala hagayay Wadayaasha.

Daawo.

IDIL NEWS