Shir Madaxeedka Dalalka Afrika oo maanta ka furmaya Addis Ababa.

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Shir Madaxeedka dalalka Qaaradda Afrika ayaa maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Shirka Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Madaxweyne Farmaajo oo shirka ka qeyb galaya waxaa lagu waddaa in uu jeediyo Khudbad uu diiradda ku saarayo xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan.

IDIL NEWS