Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madax uu ku jiro Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ? (Daawo)

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Labada Masuul ayaa kulankooda yeeshay saacado kadib markii uu soo dhamaaday Shirka 32aad ee ururka Midowga Afrika, kaasoo Axadii shalay furmay.

Farmaajo iyo Abiy ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood, si gaar ah waxey iskula soo qaadeen Amniga, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo howlgalka AMISOM.

Warbaahinta dalka Itoobiya ee FANA ayaa ku warantay in labada hoggaamiye ay sidoo kale isla soo qaadeen sidii looga faa’ideysan lahaa horumarka qaarada Afrika.

Sidoo kale Farmaajo iyo Abiyo ayaa ay isla soo qaadeen Sarkaalka Itoobiyaanka ah Tigabu Yilma Wondimhunegn oo la wareegay Taliska Guud ee Howlgalka AMISOM, taasoo ah markii u horeysay ee Sarkaal Itoobiyaan ah uu qabto hogaanka AMISOM, waxeyna isla qaateen in wadajir looga shaqeeyo ciribtirka Shabaab.

Sidoo kale, muddadii 3 cisho Hayd ee uu Addis Ababa ku sugnaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub, ahna Uqaabilsanaha Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Marwo Federica Mogherini iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Soltan bin Saad Al -Muraikhi,
adaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa, Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Mudane Teodoro Obiang Nguema Mbasog,
Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir,

Madaxweyne Farmaajo khudbadii uu ka jeediyay shirkii 32-aad ee Ururka Midowga Afrika waxa uu ugu baaqay hoggaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha oo Soomaaliya si gaar ah ay u taabaneyso, iyadoo shirka uu fadhiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Sawirro.

IDIL NEWS