Puntland oo digniin adag u dirtay Dadka wax Tahriibiya (DHAGEYSO)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa Mar kale ku dhawaaqay in Degaanada Puntland laga Mamnuucay Tahriibka, Isagoona digniin culus u diray Kooxaha dadka tahriibiya, Gadiidleyda iyo laamaha ammaanka Puntland.

Gen. Muxyadiin ayaa Sheegay in Dowladda Puntland ay Xoojineyso Amaradeedii cuslaa eek a dhanka ah Tahriibka, kuwaas oo sida uu sheegay muddooyinkii ugu dambeeyay la iska dhaga-tiray, lana baalmaray.

Waxaa uu Sheegay in Tilaabo aan la mahdin ay ka qaadi doonaan Dadka ka shaqeysta Tahriibinta Dadka, kuwaas oo uu xusay in ay yihiin kuwo caadeystay inay dhinac maraan amarada Dowladda eek a dhanka ah Tahriibka.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa digniin adag u diray Gaadiidleyda iyo Laamaha ammaanka Dowladda Puntland, waxaana uu Sheegay inay tilaabo ka qaadi doonaan cid walba oo fududeysa Tahriibka.

DHAGEYSO.


Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse.

IDIL NEWS