Qoyska Paul Farmosa oo Difaacay Soomaalida ku nool Malta.

VALLETTA (IDIL NEWS)-Qoyska Maamulihii la dilay ee dekadda Boosaaso Paul Farmosa, oo wareysi siiyey jariirada Independent ee Malta ayaa difaacay shacabka Soomaalida iyagoo ka digay qoraalo ay internetka ku baahiyeen cunsuriyiinta Malta oo lagu weerarayey dadka Soomaalida ah.

Sarah Formosa oo ah gabarta uu dhalay Paul Farmosa ayaa sheegtay inay yihiin Soomaalida dad wanaagsan, sidaan uu mar walba u sheegi jiray aabaheed intaanan la dilin.

“Wuxuu mar walba noo sheegi jiray in 10kii qof ee Soomaali ah oo uu arko ay 8 kamid ah yihiin dad wanaagsan, halka laga yaabo 2 qof oo xun inay ku jiraa” ayey tiri Sarah Formosa oo sheegtay in ay maalmihii lasoo dhaafay jireen cunsuriyiin ku nool dalka Malta oo faafinayey qoraalo ka dhan ah Soomaalida.

“Maaha Magaca Aabahay in loo adeegsado falalka Cunsurinimada ah, dadka Soomaalida ah waa dad wanaagsan oo shaqeysta kuwooda xuna waxay lamid yihiin Cunsuriyiinta aan halkan ku heyno ee Malta” ayey tiri Sarah Farmosa oo markii ugu horeysay warbaahinta la hadashay.

Paul Farmosa ayaa Dhowaan lagu dilay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga ee Dowladda Puntland, Iyadoona laamaha ammaanka Puntland ay isla goobta ku dhaawaceen ninkii dilay oo Saacado kaddib isna geeryooday, waxaana weli socda baaritaano la xariira dilkiisa.

IDIL NEWS