Ciidamada PSF-ta Puntland oo gacanta ku dhigay Xubno iyo Saad loo waday Daacish (Sawirro)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa Shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen Xubno ku biirayay Kooxda Argagixisada ah ee Daacish.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Ciidamada PFS-ta Puntland, ayaa lagu sheegay in Howlgal ay ka sameeyeen Ciidamadu Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee Magaalada Boosaaso, ay kusoo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.

Sidoo kale, Ciidamada amniga ee PSF-ta ayaa Sheegay inay gacanta ku dhigeen Saad la doonayay in la gaarsiiyo Kooxdaas, oo ay la socdeen xubnaha ay gacanta ku dhigeen Ciidamadu.

Ugu Dambeyntii, Ciidamada amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay Ciidamada amniga la wadaagaan wixii xog iyo macluumaad cadow ah, si Puntland looga sifeeyo kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al Shabaab.

Sawirro.

IDIL NEWS