Danjire Tarsan “Guri la,aan ayaan ku ahay Nairobi, dhaqaalana ma heysto” (Daawo)

NAIROBI (IDIL NEWS)-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Nuur Tarsan, ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya aysan lahayn wax miisaaniyad ah, oo ku filan.

Tarsan oo wareysi siiyey Taleefishinka Universal, ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaqaale ah oo ku filan oo lagu socodsiiyo howlaha safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Sidoo kale, Danjire Tarsan ayaa intaas ku daray, in inta badan ay isku dabaraan lacagta laga helo baasaboorka Soomaaliga ee ay u sameeyaan dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Kenya, Isagoona qiray in xitaa uusan haysan guri uu dego oo uu ku noolaado safiir ahaan.

“Aniga laba qol inta aan ka dhex dhisto safaaradda waan degi karaa, balse taas sharaf maaha, safiirka wuxuu u baahan yahay guri karaamo leh, oo uu ku casuumi karo safiirada sida isagaba loo casuumo” ayuu yiri Tarsan.

“Aniga oo safiir ah ma waxaan dhex degaa laba qolo oo apartment ah, waxaas ma sharaf baa, haddii ninkii ugu sarreeyey waddankan uu yahay homeless (guri la’aan) waa dhibaato” ayuu yiri.

Daawo.

IDIL NEWS