Madaxweyne Deni oo kulan Deg deg ah isigu yeeray Golaha Wasiirada uu Magacaabay.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta kulan deg deg ah isigu yeeray Golaha Xukuumadda Cusub ee uu soo Magacaabay 10 Bishan.

Kulanka oo ah mid aan Xog badan laga heyn waxa looga hadlayo, ayaa la Sheegay in uu yahay mid is barasho iyo Xog wareysi ah, maadama xubnaha Golaha Wasiirada Cusub kasoo muuqday ay yihiin kuwo ku cusub Saaxada Siyaasadda ee Puntland.

Sidoo kale, Wararka ayaa Sheegaya in kulanka deg deg ah uu daaran yahay Dhaarin Xubnaha Golaha Wasiirada Cusub, kuwaas oo Maalmaha soo socda la hor-geynayo Baarlamaanka Dowladda Puntland, waxaana laga hor istaagay kulankan Warbaahinta Madaxa banaan.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda, ayaa Idil News u Sheegay in Badi Xubnaha la magaacabay ay kulanka ka qeyb-galayaan, marka laga reebo xubno kooban oo ku maqan Qurbaha lana filayo in saacadaha nagu soo Fooda leh ay soo gaaraan Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa 10 bishan Magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 48 Xubnood, kuwaas oo isagu jiray 18 Wasiir, 21 Wasiir ku-xigeen iyo 9 Wasiiru dowle, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay Golahan Shacabka Puntland oo qaarkood sheegeen in uu yahay mid aan u qalmin Puntland, halka kuwo kalana ay soo dhaweeyeen.

IDIL NEWS