Weerar Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Galdogob.

GALDOGOB (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug, ayaa Sheegaya in Kooxo hubeysani ay weerar Khasaaro dhaliyay ka geysteen xalay Degmadaas.

Dableyda Weerarka geysatay oo ahaa kuwo aan heebtooda la garanaynin, ayaa Rasaas ku furay Goob ganacsi oo ku taalla Bartamaha Galdogab, Iyadoona weerarkaas uu ku geeryooday Hal Ruux oo rayid ah, halka Afar kalana ay ku dhaawacmeen.

Nabadoon Faarax Bashiir Yuusuf oo kamid ah waxgaradka Goldogob, ayaa Sheegay in Kooxdii weerarka geysatay oo ahaa kuwo si dhuumaaleysi ah Degmada u soo galay ay u baxsadeen dhinaca Xadka Itoobiya.

Nabadoon Faarax oo la hadlayay VOA-da ayaa xusay in laamaha ammaanka Dowladda Puntland ay ku daba jiraan Kooxihii Weerarka geystay, Isagoona tilmaamay in illaa haatan ay cadeen Cida iyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay Weerarka.

Wixii Kasoo kordha kala Soco Idil News.

IDIL NEWS