Xog Xasaasi ah:-Dowlada Somaliya oo lacag ku qaadatay shidaal baarista(Daawo)

Barnaamijka Galka Baadhistu ee VOA ayaa ogaaday in shirkadda Spectrum oo qandaraas lagu siiyey kaydinta iyo iibka xogta Soomaaliya ay lacago gaadhaya $1.35-Milyan oo dollar ay siin jirtay wasaaradihii kala dambeeyey ee shidaalka. Lacagahaasina waxay abuuri karaan shaki maadaama shirkaddu siinayso wasaaraddii siisay qandaraaska kaydinta iyo iibinta xogta.


Waxaa kale oo Galka Baarista uu ogaaday in Soomaaliya ay hoos u dhigtay saamiga ay ka qaadanayso shidaalka soo baxa maalmo uun ka hor intii aan la tegin shirka London, waxaana saamigaasi laga dhigay 54-66% halka dokumentiyo hore oo la qoray ay gaarsiinayeen ilaa 85%,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka