Al-Shabaab oo Gaari Dagaal ka qabsatay Ciidamada DF Soomaaliya.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa Warbaahintooda ku soo bandhigay gaari nooca dagaalka oo ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Militariga Dowladda Federalka Somaliya.

Dagaal ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka dhanka Koonfureed Magaalada Muqdisho ayeey sheegteen Shabaab inay kula wareegeen gaarigaan.

Baabuurka Shabaab ay soo bandhigeen ayaa waxaa ku xirnaa qoriga wayn ee dagaalka ee loo yaqaan Dhashiikaha, sidoo kalena waxaa ku buufsanaa astaanta Ciidanka Xoogga dalka.

Saraakiisha Militariga Somaliya kama aysan hadlin baabuurkaan Ciidan ee Shabaab ay soo bandhigeen oo ay sheegeen inay ka qabsadeen Ciidamada Xoogga dalka.

Al Shabaab ayaa dhawr mar sidan oo kale u soo bandhigay gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen Ciidamada Militariga Somaliya.

IDIL NEWS